Ku soo dhawoow Shabakadda Daryeelka Macmiilka Tooska ah ee Washington
<IP Name> Qaaliga ah,

Qaab lagu kireystay iyo lacag siinta sida Bixiyaha Shaqsiga (IP) waa isbeddelaysa. Shabakadda Daryeelka Macmiilka Tooska ah ee Washington (CDWA) waxay noqon doontaa Maamulaha Hagayo Macmiilka CDE ee IPs-yada oo dhan. 1 da September, adiga iyo Macmiilka(yaashada) waxay heli doonaan macluumaadka dheeraadah ee tallaabooyinka ee ah inaad qadato CDE ku meel gaarka ah.
 
Dhammaan IPs-yada ku meel gaarka ah ay la heshiishay DSHS waxaa shaqaalaynaya CDWA. Macmiilkaaga(yaashada) ama Wakiilka u Fasaxan ayaa sii wadi doonaa maareynta shaqaalaynta IP-ga (yadooda). CDWA ayaa noqon doontaa loo shaqeyaha sharciga ee IPs-yada oo dhan. Waxaan masuul ka noqon doonaa kiresyiga, mushaar bixinta, iyo kormeerida dhicida warqaddaha aqoonsiga, sida hubinta rasmiga iyo tababarka. Marka CDWA ay tahay loo shaqeyahaaga sharciga, waxaad weli heli doontaa mushaar isku mid ah, faa'iidooyinka, iyo xaaladdaha kale ee lagu shaqeyo waxaa bixiyay heshiiska gorgortanka-wadajirka (CBA), haddii aysan isku raacin inay wax ka beddelan CDWA iyo SEIU 775.
Macmiilka aad kala shaqeynayso waxaa loo doortay inuu qeyb ka noqodo Mushraaca.
  • Sida qeyb ahaan Mushruuca, adiga iyo Macmiilkaaga (yada) waxay fursad u heli donaan inay bixiyaan jawaab celinta ku saabsan waayo araganimaada.
  • Waxaa laga yabaa inaad taqaano dadka kale ee hela ama bixiya adeegyada daryeelka aan ku jirin kooxda Tijaabada. Waxay kala guur doonaan taariikh kale.
CDWA waxay rabtaa inaad ka caawiso nidaamkan fudud.
  • Xaqiijii macluumaadkaga lambarka ku jira IPOne inuu saxan yahay. Tani waxaa ka mid ah ciwaanka iimaylka, lambarka telefoonka, iyo ciwaanka boostada oo muuqada.
  • Si aad u xaqiijiso macluumaadka IPOne fadlan booqo: IPOne.PublicPartnerships.com ama wac 844.240.1526.
  • Xaqiqiiji haraaga Waqtigaaga Lacagta Lagu Siinayo (PTO) ee ku jira IPOne inuu saxan yahay.
  • Si aad u xaqiijiso macluumaadka IPOne fadlan booqo: IPOne.PublicPartnerships.com ama wac 844.240.1526.
  • Haddii darawalka macmiilkaaga, hubi inuu leeyahay laysiin hadda darawalka iyo cadeynta caymiska gaariga.

  • Xaqiiji inaad leedahay cadeynta awooda sharciga si aad ugu shaqeyso Mareykanka.
  • Tusaalooyinka cadeynta waxaa ka mid ah hadda basaboorka Mareykanka ama kaarka aqoonsiga degananshaha.
  • Liiska dukumentiyada oo aad la fahamayo kaas oo xaqiijinaya awooda sharciga aad kugu shaqeynayso Mareykanka ayaa halkaa laga heli karaa: I-9 Dukumentiyada la Aqbali karo
  • Waxaa laga rabaa inaad siiso nuqulada cadeynta CDWA marka aad mareyso nidaamka kireysiga.
  • Buuxi nidaamka dib u cusbooneysiinta rasmiga ah haddii mid hadda ka dhacayo ka hor dhammaadka Sebtember 2021.
  • Haddii cusbooneysiinta la rabo kala guurka ka hor, waa inaad ogeysiisa DSHS. Fadlan raac tilmaamaha lagu bixiyay ogeysiinta si aad buuxiso xaqjiintaada rasmiga ah. Waxaad kaloo booqan kartaa www.dshs.wa.gov/altsa/background-checks wixii macluumaad dheeraad ah.
  • Booqo websaydka wixii ah su'aalaha marwalba isla weydiyo iyo macluumaad kale ee muhiimka ah.
  • Link-ga kireysiga CDWA websaydka ayaa toos u soo gali doona September 1.
Baro wax badan oo ku saabsan CDE.
Macluumaadka Webinayaasha (Waxay u furan tahay dadweynaha)
Tijaabada Webinayaasha (Wuxuu u furan yahay Macaamiisha iyo IPs-yada)
Waxaad sidoo kale ka heli kartaa taarkhiyadan iyo waqtiyada websaydka CDWA, www.ConsumerDirectWA.com/Resources.

Haddii aad qabto su'aalo ku saabsan xubinimada midowga, lacagaha, sii wadida waxbarashada ama faa'iidooyinka, fadlan wac Xarunta Xubnimada Macluumaadka 866-371-3200.
Kala Xiriir CDWA
Lamabarka Telefoonka Lacagta La'aanta ah: 866-214-9899 

Waxaan kugula soo xiriri donaa adiga telefoonka si aan ogaano warqaddan. Fadlan nagula soo xiriir telefoonka ama iimayl haddii aad qabto su'aalo.

Daacadnimo,
Kooxda Shabakadda Daryeelka Macmiilka Tooska ah ee Washington
CDWA waxay kugu caawinaysa luuqadaha iyo qaabab kale
Dadka dhagaha iyo maqalka la'a: 877-398-7969