Inta lagu jiro xagaaga, qoysasku waxay dooran karaan waqtiga "ka nastashada daryeelka xagaaga". Waxay heli karaan fasax ugu badnaan laga bilaabo Juun 13 ilaa Sebtembar 6. Inta lagu jiro bilaha marka ilmuhu aanu tagin barnaamijka daryeelka ilmaha ee la ansixiyay, ilmuhu waxa uu sii wadi doonaa in kasii diwaangeshanaado barnaamijka Kaalmada BSK, si kastaba ha ahaatee wax lacag kaalmo ah lama siin doono daryeel-bixiyaha. Carruurta aan tagin xannaanada carruurta ee xagaaga, bilaha Luulyo iyo Agoosto ma jiri doonto lacagta kaalmada BSK oo la siin doono ilmahaas ah. Haddii qoysasku doortaan inay hakiyaan daryeelkooda, waxay ka dhaxaysaa adiga iyo qoyska inaad isku duba riddaan qabanqaabada. Xor ayaad u tahay inaad ilaalashato siyaasadahaaga ku saabsan hakad-galinta iyo ka maqnaanshaha daryeelka. Qoysasku waxay u baahan yihiin inay kaala hadlaan oo ay go'aan ka gaaraan wakhti kasta oo ay maqnaan karaan, sida xeerarkaaga boos u reebida iyo ka qorista daryeelka. Si loo joogteeyo u-qalmitaanka kaalmada dhaqaalaha BSK, ilmaha (carruurta) waa in dib loo diiwaan geliyaa Sebtembar 6, iyada oo ogaysiis hore iyo qabanqaabo adiga lagula yeesho. Qoysasku waa inay sidoo kale ogeysiiyaan Kooxda BSK laba toddobaad ka hor bilowga hakinta daryeelka iyo laba toddobaad ka hor inta aan aysan dib isku soo diiwaangelinin. |