Shark News - Sebtembar 2022
Wargeyska Seward Montessori School A Pre-K Illaa 5

Ogeysiis ka yimid maamulaha

Ku Soo Dhawaada Sannad Dugsiyeedka 2022-23!

 

Aad ayaan ugu faraxsanahay sanadka soo socda waana sugi kari la ahay inaan ardaydeena iyo qoysaskeena ku soo dhawayno iskuulka! Iskuulku wuxuu dib ugu bilaabmi doonaa ardaydeena E1 iyo E2 Talaadada, Sebtembar 6, ardaydeena High 5 iyo House Children's House wuxuu u bilaabmi doonaa Khamiista, Sebtembar 8. Albaabada iskuulku waxay furmayaan 9:15 subaxnimo iskuulkuna wuxuu bilaabmaa 9:30 subaxnimo

 

Anaga oo isu diyaarinayna sanadkan, waxaan qabaa rajo aad u badan. Shaqaalaha Seward si adag ayey uga shaqaynayeen labadii toddobaad ee la soo dhaafay qorshaynta sida aanu u bixin doono ka-qaybgal iyo waayo-aragnimada Montessori ee sannad dugsiyeedka oo dhan. Qorshayntani waxa ay diirada saartay xaalada gaarka ah ee fasalada iyo sidoo kale deegaankeena Seward guud ahaan. Waxaanu rajeynaynaa fursado badan sanadkan si aanu si macno leh ula macaamilno qoysaskeena anaga oo qabanayna habeenada qoys oo bille ah, anaga oo kordhinayna fursadaha iskaa wax u qabso ah, iyo ka qaybgelinta ardaydeena, qoysaska iyo shaqaalaha fursadaha si aan u bixino fikrado taageeraya kobaca bulshadeena iyo barnaamijka Montessori.

 

Khamiista, Sebtembar 1, waxaan ku soo dhawaynaynaa qoysaska inay nagala soo qaybgalaan albaabo furka dib ugu noqoshada iskuulka laga bilaabo 4:00-6:00 p.m. Tani waa fursad weyn oo aad kula kulanto macallimiinta carruurtaadu yeelan doonaan, aad ku arki doontaan fasallada iyo meelaha kala duwan ee dhismaha iskuulka oo dhan, oo aad kula xiriirtaan shaqaalaha kale ee Seward iyo qoysaska. Waxaanu rajeyneynaa inaan isku aragno qaar badan oo idinka mid ah halkaas!


Wada-shaqayn iyo mahadnaq,

Ana Bartl

Maamulaha Seward Montessori

Ku soo noqo iskuulka! Kuna soo dhawoow cadadka koowaad ee warsidaheena billaha ah ee PTA, The Shark News! ( Horey loogu yaqaanay Seward Splash.) Warsidahan waxa guriga loogu soo diri doona bishiiba hal mar boorsada ilmahaaga iyo email-ka iskuulka. Waxaanu rajeyneynaa inay ka caawiso qoysaska inay ku xirnaadaan hawlaha iskuulka iyo siyaabaha badan ee looga qayb qaadan karo!

 

Halkan waxaa ah 2 baaq howleed oo Sebtembar ah:

     Caawinta waalidka ee fasalka ayaa loo baahanyahay. Ahaanshaha waalidka fasalku waa hab fiican oo aad uga qayb qaadan karto fasalka ilmahaaga, taageerida macalinka, iyo dhisida bulshada. Booqo: roomparent.sewardmontessori.org.

     Biknik-ga Qoyska ayaa soo laabtay sanadkan! Waxaan rajaynaynaa in qoyskaagu iman karaan. Waxay noqon doontaa Jimcaha, Sebtember 16 laga bilaabo 5:30-7. Soo qaado saxan cunto aad dadka la wadaagto (haddii aad jeceshahay - waa caadi inaad kaligaa adigoon waxba wadin iska timaado oo aad iska bulshayso iyaduna!) oo la fariiso ardayda ay ilmahaaga isku fasalka yihiin. Waxaad heli doontaa xayeysiin iyo macluumaad dheeraad ah dhawaan.

 

Seward Montessori PTA (Ururka Macalimiinta Waalidka) waa urur waalidku maamulo oo ka shaqeeya xoojinta iyo taageerada waxbarashada iyo bulshada Seward Montessori. Waxaan kulannaa bil kasta fiidkii waxaanan leenahay siyaabo kale oo badan oo aad uga qayb qaadan kardo. Wax badan ka ogoow https://seward.mpls.k12.mn.us/PTA.

Dhacdooyinka soo socda

Khamiis 9/1 Albaabo Furka, 4-6PM,Seward


Talaado 9/6 Maalinta Koowaad ee Iskuulka: Fasalada 1aad-5aad

 

Khamiis 9/8 Maalinta Koowaad ee Iskuulka: PreK-CH (Kind)

 

Jimcaha 9/9 Golaha goobta, 8-9AM, E1 Commons

 

Jimcaha 9/16 Seward Family Potluck,5:30-7PM

 

Khamiis 9/22 Kulanka PTA, 7-8 PM iyada oo loo marayo Zoom

 

Isniin 9/26 Iskuul ma jiro

 

TBA: Habeenka Manhajka

Pre-K & Qoyska Children House


Noogu soo Biir Farxad iyo Illin

Khamiista, Sebtember 22, 9:30 AM

Beerta Seward


Ku soo deji Carruurta Guriga Caruurta(Kindergarten) iyo ilmaha Pre-K, ka dib ku soo biir PTA oo lagu qabanayo beerta dhexdeeda si aad u hesho qaxwo iyo cabitaanno. La kulan waalidiin kale oo isku barta ilin (farxad ama murugo).

Waxaa jira siyaabo badan oo aad wakhtigaaga ku tabaruci karo oo aad ku muujin karto taageeradaada:

Ku lug lahaanshaha qoysku waa qayb muhiim ah oo firfircoon oo ka mid ah Seward Montessori. Waxaanu kugu martiqaadaynaa inaad ka qaybgasho!

 

Si aad ugu tabarucdo gudaha iskuulka, waa inaad ka soo qaybgashaa tababarka ay qabanayso Xiriiriyaha Qoyska Seward Kerry Cashman.

 

Tababarka qof ahaan loo imanayo waa Arbacada Sebtembar 14, 21 ama 28 laga bilaabo 9:45-10:15 AM gudaha beerta iskuulka, ama la soo xiriir [email protected].

Beerta iskuulka

Beerta iskuulka Seward waa dadaal ay hogaamiso dad iskaa wax u qabso uga shaqeeya taas oo u furan dhammaan qoysaska iskuulka iyo bulshadeena ballaaran.

 

Carruurta (iyo qoysaska) ayaa waxay kaa caawin karaan xannaanaynta beerta, soo goosashada khudaarta macaan, oo waxay ku raaxaysan karaan nabadda meeshan quruxda badan. Dhammaan cidwalba waa la soo dhaweynayaa!

 

Wakhtiyada shaqada ee toddobaadlaha ah waxay mar labaad bilaaban doonaan Khamiista iskuulka kadib, ilaa 7:30. Haddii ardaydu u yimaadaan in ay caawiyaan, waxaanu waydiisanaynaa waalidka/daryeelaha inay iyaguna ag joogaan. Waxaanu sidoo kale rajeyneynaa inaanu ballaarino isticmaalka beerta in ay noqoto meel wax lagu baro fasallada Seward - fadlan email u soo dir [email protected] haddii aad jeclaan lahayd inaad tabaruc ahaan aad ku caawiso inay tani qabsoonto!

Golaha Seward Site Council waxa ku jira waalidiinta, shaqaalaha, maamulaha, iyo kaaliyaha maamulaha. Ujeedada kooxdani waa inay taageerto xeerarka ku salaysan iskuulka iyo Qorshaha Horumarinta Iskuulka. Golaha Seward's Site Council waxay caadiya ahaan kulmaan Jimcaha ugu horeeya ee bisha 8 AM. (Kulanka ugu horreeyaa wuxuu noqon doonaa Sebtember 9, 8 A.M. wuuna u furantahay cidwalba in ay ka soo qayb gasho.)

 

Guddoomiyaha Golaha Rugta, Katie Nissly, waxaa lagala xiriiri karaa [email protected].

Booqo websaydka Seward Montessori
Facebook  
Deeq ku bixi Seward Montessori PTA