Shark News - Maajo 2023

View as Webpage

Maajo 2023



Ogeysiis ka yimid maamulaha

Principal Ana & Assistant Principal Clare

Hadda waxaan ku jirnaa rubucii ugu dambeeyay ee sanad dugsiyeedkan!  Dhawrkan toddobaad ee u dambeeya, waxaanu diiradeena saaraynaa dib u milicsiga iyo damaashaadka si aanu u soo xirno dhammaan waaya-aragnimada aanu wadaagnay sannadka oo dhan.  Tamar, farxad iyo shucuur la yimaadda wakhtigan sannadka ayaa waxa ay ku muuqan karaan siyaabo badan.  Waxaanu ku dadaali doonaa inaan hubino in ardaydeenu ay helaan dhamaadka sanad dugsiyeedka farxad iyo ka qaybgelin oo aan siino fursado badan ardayda si ay ugu dabaaldegaan guulaha, in ay ka fikiraan waxbarashadooda oo ay sanadka ku dhameeyaan si xoog leh. 


Bisha Maajo waxaan u dabbaaldegeynaa u mahad-celinta macalinka.  Inkasta oo Maajo 8 ilaa Maajo 12 ay tahay toddobaadka rasmiga ah ee tan loo qoondeeyay, had iyo jeer waa wakhti ku habboon in lala xidhiidho macalinka si aad ula wadaagto mahadnaqaaga.  Waxbariddu waa shaqo aad u adag waxaanan ku haysanaa shaqaale waxbarid oo wanaagsan halkan Seward Montessori.  Fadlan u muujiya xoogaa jacayl dheeri ah oo ah kalmad dhiirigelin ah ama mahadnaq ah inta aynu u dabaaldegeyno macalimiinteena oo aan u aqoonsaneyno wax walba oo ay inoo qabtaan! 


Waxyaabaha kale ee rajaynayno bishan waxa ka mid ah munaasabada diiwaangelinta Children’s House (Guriga Carruurta) ee ah Maajo 4 iyo munaasabaddeena dabbaaldega qoyska ee dhammaadka sannadka ee ah Maajo 19.  Waxaan rajeyneynaa fursadahan inaan ku soo dhaweyno arday iyo qoysas cusub iyo sidoo kale inaan sii wadno dhisida isku xirka bulsho ahaan!


Habeenkeena qoyska bisha Maajo wuxuu diiradda saari doonaa waxa ay ka dhigan tahay in la ahaado Seward Shark waxaanan wadaagi doonaa baayanada Aragtideena, Himilada, Ballanqaadka iyo Qiyamka Seward Montessori.  Habka dib u qorida odhaahyadan/kelmadahani waxay ahayd shaqo wada shaqayneed oo socotay sannad iyo barkii u dambeeyay. Waad ku mahadsantihiin dhammaan fikradihiina intii ay socotay! Waxaan ku hanweynahay inaan bayaanadan lala sameeyay bulshadeena, waxaanan ku faraxsanahay inaan fursad u helo inaan u dabaaldegno shaqadan oo aan la wadaago weedhahan habeenka qoyska ee ugu dambeeya ee sannad dugsiyeedkan.  Aragtida, Himilada, Ballanqaadka iyo qiyamka cusub ee Seward ayaa ah aasaaska shaqadeena sanadka soo socda iyo wixii ka dambeeya.


Wax badan ayeynu qabanay sanadkan, aad ayaan ugu faraxsanahay shaqada ina hortaala inta aan sii wadno u sii socoshada xaqiijinta in caruurteena iyo qoysaskeenu ay helaan waayo-aragnimada Montessori ee ugu wanaagsan ee suurtogalka ah wakhtigooda ay ku jiraan Seward.

 

Wadashaqeyn iyo mahadnaq,

Ana Bartl

Tabaruc samee


Waxaan u baahanahay caawimada si aan sanadka usoo xirno qaar ka mid ah hawlaheena ugu fiican! Waxaan raadinaynaa tabaruceyaal iibinta Dhirta Seward Maajo 10-12 iyo munaasabada Spring Shark Fest ee Maajo 19 (Habeenka Qoyska ee Maajo). Fadlan booqo https://volunteer.sewardmontessori.org si aad u aragto baahiyo gaar ah iyo wakhtiyada. Dhammaantiin waad ku mahadsan tihiin caawinta iyo taageerada sanadkan oo dhan, ma aanan ku guulaysaneen la'aantiin!

Fariin ka timid PTA

Gu' Wacan! Waxaa nagu soo fool leh munaasabado xiiso leh. Waxaan rajeyneynaa inaad imaan karto! Halkan waxaa ku jira 2 siyaabood oo aad uga qayb qaadan karto.

  • Waxaan leenahay kulan PTA iyo albaabo fur Maajo 9 laga bilaabo 8:30-10 am qolka 110 oo uu yaallo qaxwo, dhoonat, iyo daryeelka ilmaha. Soo mar wakhti kasta si aad ula dabaaldegto waxa aanu qabanay sanadkan oo aad ula kulanto qoysas cusub!
  • PTA waxa ay raadinaysaa in ay buuxiso jagooyinka hogaaminta sanadka soo socda - iyada oo hubinaysa in aan sii wadno dhammaan taageerada weyn ee loo hayo shaqaalaha, ardayda, iyo bulshada qoysaskeena in ay si xoog leh u socdaan! Waxaan u baahannahay Khasnaji-wadaag iyo Guddoomiye-wadaag. Sidoo kale, fadlan nala soo xiriir haddii aad xiriir la leedahay xisaabiye ama shirkad xisaabiye oo laga yaabo inay diyaar u tahay inay ku deeqdo dhowr saacadood bishii si ay u taageerto xisaabaadka, ama ku shaqayso qiime jaban. Fadlan kala soo xiriir Jess Nelson [email protected]. Waad ku mahadsan tahay tixgelintaada!

Qodobbada ugu muhiimsan ee ka soo baxay Wax akhris 2023 (Read Around)


Mahadcelin ballaaran ayaanu u jeedinayaa qof kasta oo gacan ka geystay in Wax Akhrisku in uu noqdo mid guuleysta! Waxaan haysanay in ka badan 200 oo akhristayaal ah oo akhriyay ku dhawaad 300,000 daqiiqo! Waxaan aruurinay $17,000 si aan ugu taageerno jeegaga macalimiinta, deeqaha barayaasha, safarada dibadda iyo wax badan oo kale sanad dugsiyeedkan! Boorsooyin abaal-marin ah iyo garanno ayaa dhawaan iman doona, oo ay weheliyaan martiqaadyada munaasabadaha akhristaha ugu sarreeya oo ay qabanayaan Ana iyo Clare.


Waad ku mahadsan tahay kafaala-qaadayaashayada:

Woodland Stove and Fireplace

Solcana Fitness

Seward Co-op

Savory Bakehouse

Pizza Luce

Moon Palace

Milkweed

Articulture

Laune Bread

Garlock-French

Davanni's Riverside

Cub

CorAzon

Close Associates

Bratt Tree

Big River Yoga

Dhacdooyinka soo socda

Arbaco, 5/3: Naadiga Buugaagta ee Seward Parent waxay ku kulmi doonaan laga bilaabo 7:30-9:00 PM, zoom

Jimcaha, 5/5 Kulanka Golaha Xarunta, 8-9 AM, qof ahaan loo imanayo ama Zoom

Talaadada 5/9 PTA Isy Imaatinka iyo Albaabo Furka, 8:30-10 AM qolka Seward Room 110, * daryeelka ilmaha ayaa la bixinayaa!

Khamiis., 5/11 All Nadiifinta Baarkaha Iskuulka, inta lagu jiro maalinta

5/12-5/13: Seward Plant Sale, Gymnasium ee Seward

Khamiista, 5/18 Kulanka PTA, 7-8 PM oo lagu qabanayo Zoom

Jimcaha, 5/19 Habeenka Qoyska, 5:30-7:00 galabnimo

Jimcaha, 5/30 Iskuul ma jiro

Salaan ka timid fasalka Muusiga ee dugsiga Seward!

Ogaysiis Riwaayadeed:  

Fadlan nagu soo biir Jimcaha, Bisha Meey 26da oo ah maalinta Riwaayadayada xiliga gu'ga:  

  • Riwaayadda Xanaanada Carruurta ee Xayawaanada aduunka oo dhan - waxay bilaabmaan 10:00 subaxnimo.  
  • E1 Concert - Singin' ee kaynta roobka ee fasalada  N201, N207, 204, 203, 205, 105 - waxay bilaabmanaysaa 2:00PM  
  • E1 Concert - Kuwa fasalada 109, 116, 117, 118, 202, 103 104 - waxay bilaabmanaysaa 3:00 galabnimo.  


Wax Cusub oo ay soo Gudbinayso Khabiirka Caafimaad Jody Volk

Maajo 8 Maajo 26 Fasaladeena Caafimaadka E2 ayaa waxa ay ka qayb qaadan doonan barnaamijka iskeetka barafka oo dhismaha guriga dhexdiisa ah. Ma jiro wax kharash ah oo kaaga baxaya ilmahaaga ka qaybqaadashadiisa. Iskeetyadu waxay leeyihiin taayiro adag oo loogu talagalay isticmaalka gudaha dhismaha oo keliya. Haddi ilmahaagu haysto iskeedyada gudaha dhismaha loogu talagalay, way ka soo qaadan karaan guriga. Ardaydu waa inay xirtaan koofiyada si ay uga qaybqaataan (waxaanu ku haynaa halkan waxaanan haynaa ilaaliyaha curcurka!) ilmahaagu wuxuu soo qaadan karaa koofiyaddooda iyo agabka kale ee difaaca sida ilaalinta curcurka, suxulada iyo suufka jilibka haddii ay rabaan. Ugu dambeyntii, ilmahaagu waa inuu yaqaanaa cabbirka kabihiisa oo waa inuu xiranyahay sharabaado si uu uga qaybqaato.

Golaha Seward Site Council

Golaha Seward Site Council ayaa waxa uu raadinayaa xubno iyo hoggaan sanadka soo socda! Haddii aad xiisaynayso inaad ka mid noqoto guddiga la talinta ee iskuulka fadlan tixgeli inaad ku soo biirto. Golaha goobtu waa koox yar oo ah shaqaale, waalidiin, xubno ka tirsan bulshada, iyo ardayda oo ay ka go'antahay inay ka caawiyaan Ana iyo Clare inay gaaraan go'aamo ku salaysan goobta ee ku saabsan miisaaniyada iyo xeerarka. Sannadkan, waxaanu gacan ka geysannay samaynta himilada iyo aragtida iskuulka. Xubnaha golaha goobtu waxay ballan qaadayaan inay kulmaan bishii hal mar hal saacad. Kulan kasta waxaan indha indhaynaa ugu yaraan hal xeer ama barnaamij oo uu leeyahay iskuulka Seward waxaanan bixinaa hagis/fikir dhiibasho si aan u taageerno go'aamada iskuulka ku salaysan. Inta aan sii wadno inaan ka shaqayno samaynta gole deegaan oo ka tarjumaya ururka ardayda, waalidiinta BIPOC waxaa lagu dhiirigelinayaa inay ku soo biiraan! La xiriir guddoomiye-wadaaga hadda ee Katie Nissly haddii aad wax su'aalo ah qabtid ama haddii aad rabto inaad wax badan ka ogaato qaadashada doorka muhiimka ah sannad dugsiyeedka soo socda. [email protected].

Shark Fest, Habeenka Qoyska ee Seward

Waxqabadyada waxaa ka mid ah taraaga cuntada, xunbo, goobo ciyaaroy, beeritaan, tamaashiir iyo qaar kale oo badan.

Carruurtu waxay wax ku cunayaan bilaash, dadka waaweyni waa qiimo dhimis awoodaada ah. Dhammaan qoysaska waxaa lagu dhiirigelinayaa inay ka soo qaybgalaan.

Booqo websaydka Seward Montessori
Facebook  
Deeq ku bixi Seward Montessori PTA